Xafladdii loogu dabaaldegayey koob iyo toban guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiramaan Maxamed Maxamuud {Faroole} wuxuu khudbadiisii uu munaasabadaas ugu talagalay ugu baaqay ciddii "haysata dhul aanay u dhalan ama laga taageersanayn inay ka baxaan oo ay garwaaqsadaan dedaalada nabadeed". Wuxuu Faroole si gaar ah u tilmaamay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn {SSC} oo dhul ballaaran oo ka mid ah maamulka Soomalideedka ah ee Hargeysa xoog ku haysto isagoo qaybtii dhulkaas ugu dambaysay ee uu maamulkaasi qabsaday sannadkii 2007 ay ka mid ahayd caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa Madaxweyne Faroole ku dhawaaqay in haddii maamulka Hargeysa si nabad ah uga bixi waayo dhulkaas uu xaq darada ku haysto ay markaa Xukuumadda Puntland iyo dadka u dhashay SSC xoog ku xorayn doonaan degaanadaas.
Waxa la ogsoonyahay in maamulkii Puntland ee hore ee uu Madaweynaha ka ahaa S/Guuto Cadde Muuse ugu yaraan shan iyo toban jeer ku dhawaaqay inuu soo celinayo dhulkii Soomalidiidku ka qabsaday 15kii Oktoobar, 2007 iyo intii ka horeysay ayna ka mid tahay caasimadda Lasscanood. Markii talada lagala wareegay maamulkaas Cadde Muse waxaa ku xigeenkiisii Xasan Daahir Afqudhac warbaahinta ka sheegay in dawladda Ethiopia ku amartay maamulkooda inay faraha kala baxaan arrinta ku saabsan gobolada SSC. Wuxuu Xasan Daahir Afqudhac shaaca ka qaaday in isaga iyo Cadde Muuse dawladda Ethiopia u sheegtay inay doonayso in gobolada SSC uu ka taliyo maamulka Hargeysa sidaas awgeedna aan loo baahnayn in Puntland wax dagaal ah ka riddo goboladaas. Sida warbaahintu ka soo werisay Xasan Daahir Afqudhac sabata Ethiopia sidaas u rabtaa waxay tahay iyadoo wixii nabadgelyadeeda ku saabsan ay labada maamul ku kalsoontahay kan Hargeysa.
Waxa hadaba isweydiin mudan: Haddii Ethiopia ku amartay maamulkii hore ee Puntland inaanu dagaal ku qaadin maamulka Hargeysa si uu u xoreeyo degaanada ka maqan, suurta gal ma tahay in hadda Ethiopia u ogolaato maamulka cusub ee Faroole inuu dagaal qaado? Suurta gal ma tahay in Faroole qaado dagaal aan Ethiopia raalli ka ahayn oo aanay u fasixin? Waxa iyana isweydiin mudan su'aalaha ah: Khatartii Ethiopia kaga imanaysay dhinaca gobolada SSC ee ay daraadeed u rabtay in maamulka Hargeysa ka taliyo goboladaas miyay meesha ka baxday? Ma waxbaa iska bedelay xiriirkii qotada dheeraa ee saaxiibnimo iyo iskaashi ee ka dhexeeyay maamulka Hargeysa iyo Ethiopia?
Dhammaan su'aalaha kor ku xusan jawaabtoodu waa: Maya. Hadaba maxay hanjabaada Faroole ee ku saabsan xoreynta SSC ku salaysantahay?!! Si su'aashaas jawaabteeda aynu u helno waxa haboon inaynu faalo yar ka bixino xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Hargeysa iyo Garoowe iyo guud ahaan gobolada waqooyi ee Soomaaliya.
Sida la ogsoonyahay waxa maamulka Hargeysa ku dhawaaqay inuu 27ka Sibtembar, 2009 qaban doono waxa maamulkaasi ku tilmaamay "doorashada madaxweynaha". Waxa iyana la ogsoonyahay in horjoogaha maamulka Soomaalidiidka Daahir Riyaale aanu raalli ka ahayn in doorasho dhacdo isagoo ka cabsi qaba in doorashadaas laga helo. Si aan doorasho u dhicin isla markaasna ay suurtagal ugu noqoto inuu mudada horjoogenimada sii dheeraysto waxa Daahir Riyaale qaaday talaabooin aan suurtagelin doorasho. Waxa talaabooyinkaas ka mid ah:
1- Isagoo Waqooyi Galbeed ka eryay hay'addii Interpeace ee maalgelinaysay doorashada isla markaasna u xilsaarnayd hubinta tirakoobka iyo kor meeridda habsami u socodka doorashada.
2- Isagoo laalay diiwaangelintii doorashada lagu geli lahaa ee ay ansixisay hay'adda Interpeace ayna ogolaadeen xisbiyada mucaaradka ahi isla markaasna go'aamiyay in doorashada lagu galo diiwaangelin la'aan.
Labadaas talaababa waxa xisbiyada mucaaradku u arkaan arrimo lagu curyaaminayo qabsoomidda doorasho hufan waxayna ku dhawaaqeen inaanay doorashada ka qaybgelayn.
Waxa kale oo xisbiyada mucaaradka ee Soomaalidiidku qabaan in dadkii lagu afduubay Ceelbardaale ka dibna la dilay uu lug ku lahaa maamulka Riyaale iyadoo maamulku ku talagalay in labada beelood ee xarumahoodu kala yihiin Boorame iyo Gabiilay dagaal ka dhexdhaco ka dibna uu mar marsiinyo ugu helo dib u dhigidda doorashada.
Iyagoo isu muujinaya inay ilaalinayaan jiritaanka "Somaliland" isla markaasna ku eedaynaya Daahir Riyaale daacad darro waxa madaxda labada xisbi ee mucaaradka ahi marar badan ku celceliyeen in haddii dorashadu dhici waydo aan dagaal dhici doonin laakiin Dahir Riyaale si nabadgelyo ah xilka looga qaadi doono iyadoo loo adeegsanayo labada gole ee Guurtiga iyo Wakiilada. Qaar ka mid ah madaxdaas mucaaradka waxa hadaladooda ka mid ahaa in haddii Daahir Riyaale si nabad ah kursiga uga degi waayo gurigiisa loogu gelayo oo xoog lagaga qaadayo jagada iyadoon dagaal dhicin.
Sida la odorosayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu guulaysto haddii doorasho hufani dhacdo waxase la ogsoonyahay in Ethiopia aanay raalli ka ahayn in Siilaanyo ku guulaysto dorasho ka dhacda Waqooyi Galbeed iyadoo u aragta in ninkaasi yahay nin madax adag oo aan amaradeeda qaarkood u fulinayn sida ay rabto. Sidaa darteed waxa Ethiopia ka go'an in Riyaale jagada horjoogenimada Hargeysa sii hayo inta ay ka dhisayso nin ay ku bedili karto.
Dhinaca kale intii Ururka NSUM ee u halgama xoraynta degaanada SSC saaxada si fiican uga muuqday taageeradii dadka SSCna helay waxa maamulka Puntland soo wajahay cadaadis kaga imanaya dadweynha SSC. Waxa reer SSC u cadaatay in maamulka Puntland aanu diyaar u ahayn soo celinta degaanadii maamulkii ka horeeyey laga qabsaday Oktoobar 2007 oo keliya bal ha dambeeyeen degaanadii taariikhdaa ka hor SSC laga haystaye.
Qofka aan hoos ahaan xog ogaal ugu ahayn xaalada siyaasadeed ee geeska Afrika wuxuu u malayn karaa in colaadi ka dhexayso labada maamul ee Puntland iyo Soomalidiidka laakiin waxa mala awaalkaas meesha ka saaraya runta ah in labada maamulba ka shidaal qaataan oo ay u taliso Ethiopia danaheedana labaduba u fuliyaan.Sidaa awgeed ma dhici karto in labada maamul colaadi dhex marto maadama meel keliya looga taliyo cidda u talisaana aanay raalli ka ahayn dagaal ka dhex dhaca.
Waxa hadaba faaladan inooga soo baxay saddex arrimood oo dhibaato ku haya saddexda dhinac ee saaxiibnimada iyo wada shaqayntu ka dhexayso, kuwaas oo kala ah:
1- Daahir Riyaale: Dhibaatada haysataa waa doorasho si xalaal ah loo qabto waayo waxa hubaal ah in Siilaanyo ku guulaysanayo.
2- Ethiopia: Dhibaatada haysataa waa Siilaayo oo saaxiibkeed Riyaale doorashada ka hela.
3- Faroole: Dhibaatada haysataa waa dadka reer SSC oo Ururka NSUM ka raaca.
Madaama saddexda dhinac ee dhibaatooyinku haystaan saaxiib yihiin iskaashi buuxaana ka dhexeeyo waxna aanay u kala qarsoonayn, wada tashi ka dib waxa la gartay in Faroole abaabulo xaalad dagaal taas ayaana keentay in Faroole ku khudbeeyo hadalka aynu ku bilawnay qoraalkan.
Hadalka Faroole ee abuuridda xaalad dagaal wuxuu Riyaale fursad u siinayaa inuu doorashada dib u dhigo ama helo farsamo uu "guusha" ku helo maadama "Somaliland ku jirto xaalad dagaal".
Xaalad abuurka Faroole waa fulin kartaa himilooyinka Riyaale iyo Ethiopia laakiin su'aashu waxay tahay muxuu ku hadli doona konton maalmood ka dib marka hanjabaadiisii guul u soo hoyso Riyaale iyo Ethiopia laakiin isagu dagaal qaadi waayo. Mase laga yaaba in dadka reer SSC qaarkii ka rumaystaan afar iyo toban hanjebaadood oo kale ka hor intaan waqtigiisa madaxnimo dhammaan.
Allow aan waaga waraabe cunin.
Axmed Tabaatiig
Kuwait